Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay gobalka Hiiraan.
Xoogag katirsan Al shabaab oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay gudaha magaalada Baladweyne waxa ay ka fuliyeen weerar la sheegay iney ku qaadeen askari katirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa mid kamid ah xaafadaha kala duwan ee magaalada Baladweyne xarunta gobalka Hiiraan.
Weerarka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii askari katirsan ciidanka dowladda uu ka shakiyay koox katirsan Xarada Al shabaab oo ku sugnaa xaafad kamid ah Baladweyne, shakiga askariga ka dib waxaa goobta ka dhacay is rasaaseyn kooban oo sababtay sida dadka deegaanka ay Radio Simba u xaqiijiyeen dhimashada hal dagaalame oo Alshabaab katirsanaa iyo dhaawaca askari weerarka la kulmay.
Masuuliyiin katirsan maamulka magaalada Baladweyne oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa inoo xaqiijiyay jiritaanka is rasaaseynta, balse waxey inoo sheegeen in dib faah faahinta ka siin doonaan warbaahinta.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidanka amaanka oo gaaray goobta ay ka qaadeen dhaawaca askariga, sido kale goobta ayey ka sameeyeen howlgal lagu xaqiijinayo amniga magalada Baladweyne.

