Gaadiid faro badan oo isugu jira kuwa xamuulka qaada iyo kuwa rakaabka ayaa ku xayiran wadada ka soo gasha magaalada Muqdisho degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, kadib markii saaka loo diiday inay gaadiidkaas soo galaan gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in gaadiidkan oo qaarkood ay sidaan qudaar,caano iyo badeecado kala duwan kuwaa oo la sheegay iney ku hoyanayaan kontaroolka laga soo galo magaalada Muqdisho.
Dad rakaab ah oo saaka ka tegey magaalooyinka Jowhar iyo Balcad kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa loo sheegay inaysan gudaha u gali karin magaalada iyagoo saaran gaadiidkii ay ka soo raaceen Jowhar, balse loo oggol yahay inay ka lugeeyaan kontaroolka.
Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa gaadiidka u ogol un kaliya inay ka baxaan magaalada Muqdisho, inkastoo wadooyinka magaalada Muqdisho ay badankood xiran yihiin.
Wadadan ayaa la sheegay inay xirnaan doonto illaa iyo maalmaha ciida oo ku beegan maalinta Jimcaha iyo maalinta Sabtida oo dadka muslimiinta ay u dabaal dagayaan faraxada munaasabada ciidul Fitriga.
Shacabka saaran gadiidka xayiran ayaa waxey u badan yihiin kuwa doonaya iney la ciideystaan oo faraxada ay la qeybsadaan eheladooda kuwa ku sugan gobalada ama caasimada Muqdisho.
Mid kamid ah gadiidlayda ayaa lahadaay Idaacada Simba waxa uuna sheeay in ay mudo ku xayiranyihiin wadad soo gasha magaalada muqdisho.
Dhageyso Codka: Mid Kamid Ah Gadiidleyda Ku Xayiran Duleedka Muqdisho

