Oday Dhaqameedkii Soo Xulay Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye Oo La Dilay

0

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Mid kamid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Sacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay oo lagu Magacaabi Jiray Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) dilkiisa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Buullada ee ku toola Suuq Boocle korkiisa.

Goobjoogeyaal ayaa inoo sheegay in dhalinyaro Bistoolado ku hubeysan ay qaybaha sare ee jirka ka toogteen Xasan Gaadaay, kuwaasoo usuura gashay iney goobta uga baxsadaan si amaan ah.

Ninka la dilay ayaa kamid ahaa ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ka soo gashay Deegaanada Koofur Galbeed, gaar ah waxa uu usoo doortay Gudoomiyaha Guddiga xeer hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo katirsan mudanayaasha Baarlamaanka.

Si Kastaba dilka marxuumka ayaa ku soo beegmay, iyadoo dilkiisa ka hor xalay lagu dilay Degmada howlwadaag gudoomiyhii Waaxda Saqaawudiin ee Degmadaasi ee gobalka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa bishan Ramadan laga dareemay in ay aad ugu soo kordheen dilalka qorsheysan, ee ay gaysanayan kooxo ku hubeysan bastoolado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here