Gudoomiye Jabloos Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Faah faahin dheeri ah ayaa sakay ka soo baxeya dil ka dhacay degmada howladaag.

Dabley hubaysan ayaa xalay fiidkii waxa ay degmada Howlwadaag gaar ahaan xaafada Shanta geed ku dileen Gudoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka Degmada Hawlwadaag.

Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Shanta geed ee ku dilay gudoomiye waaxeed  xilli uu halkaasi fadhiyay Gudoomiyahii Waaxda Saqaawadiin ee Degmada hawlwadaag.

Raggii hubaysnaa ayaa halkaasi ka baxsaday kadib markii ay toogteen Gudoomiye Waaxeedka.

Gudoomiye Waaxeedka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Jabloos, wuxuuna ahaa nin Oday ah oo si wayn looga yaqaanay Degmada Hawlwadaag maamuladii kala duwanaa ee halkaasina la soo shaqeeyay.

Ilaa iminka lama hayo cid sheegatay masuuliyada dilka Gudoomiyahii Waaxda Saqaawadiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here