Al-shabaab iyo Ciidamadda Nabadd Sugidda oo Ku Dagaalamay Duleedka Muqdisho

0

Faah-faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar maanta mar kale lagu qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xoogag katirsan Al-shabaab ayaa maanta weeraray saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Siinka-Dheer, halkaasi oo barkoontarool ay ku leeyihiin askar ka amar qaata taliska ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Dagaalka maanta halkaasi ka dhacay ayaa la sheegay inuu kusoo beegmay xili xalay fiidkii ciidamo katirsan Al-shabaab ay weerar  ku qaadeen isla barta koontarool ee maanta lagu qaaday dagaalka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay wax ka yar hal maalin labo weerar oo lagu qaaday ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho , inkastoo aan la ogeen cadadka khasaaraha kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamay iyo waxyeelada gaartay dadka shacabka ah ee labada mar xalay iyo maanta lagu dul dagaalamay.

Goobjooge ku sugan deegaanka Siinka-Dheer ee duleedka Muqdisho oo la hadlay Idaacada Simba wax yar kadib weerarka lagu qaaday fariisimaha ciidamada dowladda ee halkaasi ayaa sheegay iney maqlayeen rasaas xoogan oo ay is dhafsanayeen labada ciidan ee halkaasi dagaalka ku dhax marayay.

Qofka dadka deegaanka oo sii hadlayay ayaa sheegay in xaalada ay tahay mid cakiran maadama uusa jirin wax dhaq dhaqaaq gadiid ah oo halkaasi maanta ka jira, ciidankii dowladda ee weerarka la kulmay ay sameynayaan howlgalo ay gudaha ugu soo galeen  deegaanka Siinka-Dheer ee duleedka Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda labada weerar ee ka dhacay duleedka magaalo madaxda dalka soomaaliya ee Muqdisho.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here