Askari ka tirsan Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa goordhaweyd ku toogtay beerta khaadka Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir wiil Mooto Bajaale ahaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal Askariga ayaa wiilka Mooto Bajaale ahaa xabadda si bareer ah ugu dhuftay xili uu ku jiray Baking,wuxuuna uu durbadiiba ka baxsaday goobta dilka,
Meydka wiilka ayaa goobta laga qaaday,waxaana sidoo kale hakad galay daqiiqado kooban isku socoka gaadiidka dadweynaha.
Maalmihii dambe Ciidamadda ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ayaa toogasho u geysanayay Darawaladda Mooto Bajaajka.

