Al-shabaab:-“50-askari oo Ka Tirsanaa Jubba-land ayaan Ku Dilnay Ismiidaaminta Sanguuni”,

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ee waqooyiga magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacday xeradii maalintii shalay ahayd lagu dilay askarta Maraykanka ah.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafadaha Deegaanka Sanguuni  ee Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamdda jubba-land aynu la hadalnay ayaa inoo sheegay in qaraxa uusan geysanin wax khasaaro ah,islamarkaana uu ku dhintay ninkii gaariga waday.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka uu ahaa Camaliyad Istish-haadi ah, islamarkaana uu ka dhacay bartamaha xerada, halkaas oo lagu dilay in ka badan 50 ka tirsanaa Ciidamadda Jubba-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here