Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Khilaafka u Dhaxeeya Madaxda Galmudug+Dhageyso

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Mohamed Sabriye oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka haatan ka dhaxeeya Madaxda sare ee maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in ka dowladd ahaan ay aad ugu Xun yihiin khilaafka soo laabtay ee haatan ka dhaxeeya Madaxda Sare ee Maamulka galmudug,islamarkaana ay ku baaqayaan in si deg deg ah loo xaliyo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in dhinacyo khilaafka uu ka dhaxeeyay ay isku ogaayen in la joogo Muqdisho si loo xaliyo khilaafka balse ay u ambabaxeen deegandda Galmudug.

Ugu Dambeyntii 30-ka bishaan ayuu sheegay in la qaban doono shir lagu dhex-dhaxaadinayo khilaafka Madaxda maamulka galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here