Wasiirrada Cusub Oo Maanta Lagu Dhaariyay Magaalada Muqdisho “Sawirro”

0

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoomiyay kulan lagu dhaarinayay Wasiirradii iyo Wasiir kuxigeenadii uu dhawaan Magacabay R/Wasaare kheyre.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa lagu qabtay Munaasabadda maanta , waxaana goobjoog ka ahaa gudoomiyaha ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muuddeey, Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawed iyo ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guueed Khadar, iyo msuuliyiin kale.

Masuuliyiinta Maanta la dhaariyay oo isugu jira Wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal ayaa masuuliyiinta hortooda lagu dhaariyay, marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle oo safar dibedda ugu maqan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman ayaa Dhaarinta kadib kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhega nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirrada.

24-kii Bishan ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane; Xasan Cali Kheyre soo Magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal, kuwaas oo buuxiyay boosas u bannaanaaday siyaaso kala duwan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here