Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo Caawa Lagu Dilay Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya Magalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug ayaa ku waramaya in Kooxo Hubeysnaa ayaa gudaha magaaladdaas caawa ku weerareen Xildhibaan Cabdixakiim Macalin Daahir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa dhaawac Culus oo soo gaaray kadib waxaa loo qaaday Isbitalka GMC ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo uu ku dhintay.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku dhintay mid kamid ah ilaalada Hoteel-ka Clasic oo joogay meel aan sidaas uga fogayn halka uu xildhibaanku fadhiyey ka hor intii aan la dilin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here