Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil.
Xildhibaan-ka oo qoraal soo dhigay bartiisa Face-booka ayaa sheegay gaari uu saarnaa ay rasaaseeyeen Ciidamo ka tirsan Nabadda Sugida ee ku sugan agagaarka Saldhig Bari ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Halkaan Hoose ka Ahriso qoraal uu soo dhigay Facebookiisa.
“Maanta marki ay saacadu ahayd 5:10pm ama galabnimo waxaa si bareer rasaas iigu furay Ciidamada NISA xilli aan marayay meel checkpoint ah kadib marki ay gaarigayga istaajiyeen ina weydiiyeen aqoonsi waana la wadaagay, kaddib waxaa ay nagu wargeliyeen in aanu socon karno, balse markii aan soo dhaafay 20 Mitir waxaa igu soo bilaabay rasaas isla askarigi i fasaxay iyo qaar kale oo la joogay sidoo kale waxaa uu amray gaari nuuca ciidamada oo qori weyn saaran yahay in uu i rasaaseeyo, waxaa xilligaas gaariga ila saarnaa hal askari oo kaliya, weerarkaas qaawan waxaa uu ahaa mid qorshaysan waana allah mahadiis waa nabad qabaa”ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.
“Waxaan rabaa in aan la wadaago shacabka Soomaaliyeed in ciidama NISA iga soo gaaray Marar badan handadaado amni, markii ugu dambeysay ee ay isoo gaartay khatartaas amni waxaan la wadaagay Guddoomiyaha Golaha shacabka Amb. Mohamed Mursal, waxaana dalbanayaa in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo wixi dhacay maanta”ayuu yiri Guddoomiyaha Kutlada Horusocod ee mucaaradka ah.

