Ugandha oo Dalbatay In Magdhaw Laga Siiyo Ciidamo Al-shabaab Aysan Ka Dilin

0

War qoraal ah oo kasoo baxay Dowlada dalkaasi Uganda ayaa waxaa ay baaq dheer usoo jeedisay Qaramada Midoobey kaa oo ku aadan in magdhow ay kabixiso diyaarad military  ay sarnaayeen ciidamo kasocda dalka Uganda oo gabi ahaan burburtay, kuna dhinteen 6 askari oo saarnaa diyaaradaasi oo kasoo duushay dalka Kenya una soo socotay Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira garabka dagaalyahanada Alqaacidda Soomaaliya ee Al-shabaab.

12kii bishii August ee sanadkan ayey aheyd markii diyaarad malatari oo laga leeyahay dalka Uganda ay burburtay, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn sababta rasmiga ahi ee ka dambeysa in diyaaradaasi ay kudul burburtay  meel wax yar un ujirta buraha dalka Kenya.

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa dhacdadaasi kutilmaamay mid murugo leh isagoona dhacdada kadib, shaqada kaceyriyay saraakiil sar sare oo katirsanaa ciidamada cirka ee dalkaasi Uganda.

Gen Jim Owoyesigire oo  ahaa Taliyaha ciidamada cirka ee dalkaasi Uganda ee laga ceyriyay shaqadaasi ayaa haatan ah taliyaha ciidamada AMISOM ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya kaa oo haatan ay hoos yimaadaan inka badan 20,000 oo askari ee nabad ilaalinta ujooga dalka, si ay ula dagaalaman Al-shabab.

Brig Moses oo ahaa taliyihii hore ee  ciidamada cirka dalkaasi haatanna ah lataliye sare oo dhanka ciidamada uqaabilsan midowga Yurub kaa oo kusugan magaalada Prussells ayaa sheegay in diyaaradaasi ay ku timid cilado farsamo balse aan usuuroobin in kuwii kudhaawacmay diyaaradaasi lasoo badbaadiyo.

Diyaarada oo nuuceedu ahaa M-24 isla markaana aheyd nuuca qumaatiga u kaca ayaa la sheegay in ay ku duuleysay joog sare oo gaaraya 12,000 oo feet ayaana usuuroobin in ay dagto maadama ay hawada aad uxumeyd taasina ay sababtay in ay soo dhacdo diyaaradaasi iyadoona haatan dowlada dalkaasi Uganda ay dalbatay in magdhow ay bixiso Q-M askarii kugeeriyootay burburkii diyaaradasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here