Kenya oo Sheegtay In Gacanta Ay ku Dhigtay Rag Weeraro Ismiidaamin Ah ka Fulin Rabay Neirobi

0

Sida uu daabacay Wargeyska Dailynation ee ka soo baxa Kenya ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya ay gacanta kudhigtay sadax dhalin yaro oo katirsanaa Al-shabaab,kuwaa oo uso dhuuntay gudaha dalka Kenya si ay u qorsheeyaan weeraro Argagaxiso oo laga fuliyo magaalada Neirobi ee dalkaasi Kenya sidaasi waxaa warbaahinta uxaqiijiyay afhayeenka ciidamada boliceka dalkaasi Kenya Charles Owino.

Raggan lala xariirinayo in ay qorshenayeen weeraro ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Anthony Mbele, Munyasya alias, iyo qofkale oo magaciisa lagu soo koobay Abdalla kuwaa oo sida uu sheegay afhayeenka ciidamada boliceka Kenya in raggan lala xariirinayo Al-shabaab gacanta lagu dhigay.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada Boolis dalkaasi Kenya oo sii hadlayay ayaa carabaabay in mid kamid ah raggan la xiray ee layiraahdo Abdalla ay kudaba jireen ciidamada amanka Kenya kaa oo horay kaga fakaday gacanta ciidamada amaanka dalkaasi.

Mr Owino ayaa sidoo kale sheegay in raggan laga soo qabtay countyga Kitui oo katirsan dalkaasi Kenya isla markaana Bisha February ee sanadkan ay doonayeen in ay weerar dhiig fara badan kudaata ayku qaadaan faras magaalka dalkaasi.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Abdalla uu ahaa mid halis ku ah amniga Kenya isla markaana uu heysto tababar dhameystiran maadaama alshababka kadagaalama Somaaliya uu kubiiray sanadii 2014ki.

Abdalla ayaa sidoo kale waxaa ay saaxiibo dhow ahaayeen Abdimajid Hassan, kaa oo haatan ay ciidamada amaanka dalka Kenya ay gacanta ku hayaan, maadama uu qorsheenayay in uu weerar loo adeegsado gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu kuweeraro magaalada Neirobi 15ka bisha January ee sanadkan kadib markii baaritaan xoogan ay sameeyen ciidamada amaanka dalkaasi ay gacanta kusoo dhigeen isagoo sida ay sheegen ku dhuumaaleysanayay deeganka Iiolo ee Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here