Inta la xaqiijiyay 1-qof ayaa ku dhintay kadib qarax gaari lagu dhajiyay oo galabta ka dhacay agagaarka Xaaafada Maana Booliyo ee Degmadda Shibis.
Qaraxa ayaa gaarigiisa waxaa loogu xirey nin Magaciisa lagu sheegay Cabdala Axmed Cabdala “Shiikh Nuur Codey”,kaasi oo kamid ahaa Jaaliyadda Yamane ee ku sugan Degmada Shibis,wuxuuna ku geeriyooday isla goobta sida goob-joogayaal ay inoo sheegeen.
Qaraxa kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya,kuwaaso oo goobta ka sameeyay baaritaan.
Lama oga cida ka dambeysay qaraxaan gaari ee lagu dilay Ala Ha u Naxariistee Cabdala Axmed Cabdala “Shiikh Nuur Codey .

