Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in hadii xaalada soomaaliya aysan daganeyn kenyana aysan noqon doonin dal amnigiisu uu wanaagsan yahay Sida uu qoray Wargeyska daily nation ee kasoo baxa dalka Kenya
Uhuru kenyataa ayaa sheegay in waqti kasta ay diyaar u yihiin in ay garab siiyaan dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayo madaxweyne maxamed cabdulahi farmajo isla markaana ay kataageeri doonaan arimaha argagaxisada gaar ahaan ladagaalanka xarakada alshabaab maadama labadani dal ay yihiin dalal daris ah waa sida uu sheegay madaxweynaha kenya Mr uhuuru Kenyatta
“Gobolka waqtigaan ma ahan gobol nabdoon gaar ahaan soomaaliya marka loo eego ladagaalanka alshabaab oo inta badan bartil maameed sada magaalada muqdisho iyo goobaha shacabku ay isgu yimaadaan istaasi waxaa siidheer faragalinta shisheeye ay ku yahaan dalalka qaar soomaaliya”, ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska dailynation ee kasoo baxa dalka Kenya
Laga soobilaabo bartamihii sanadii 2012kii markii ciidamada difaaca Kenya ay qeyb kanoqdeen howlgalka midowga Africa ee amisom kuwaa oo soomaaliya loosoodiray si ay ula dagaalamaan Xarakada Alshabaab ayaa Kenya waxaa ay lugaha lagashay xaalado amni daro oo ay kamid ahaayeen weerarkii lagu qaaday jaamacada gaarisa iyo xarunta laga dukaameysto ee westigate mall kuwaa oo khasaare xoogan luugu geystay muwaadiniin Kenyan ah oo kusugnaa goobahaasi
Saraakiil katirsan ciidamada Kenya ayaa carabaabay in ciidamada dowlada soomaaliya ay ka caawin doonaan amniga soomaaliya iyo doorka ay kaqaadanayaan ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee amisom iyo dhanka tababar buuxa lasiin doono qaar kamid ah ciidamada Dowladda Ssoomaaliya.
Ugu dambeyntii wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta uu kulan layeelan doono madaxweynaha dhawan ladoortay dalka Ethiopia Abiy Ahmed iyadoona lafilayo in ay kawada hadli doonaan arimo dhowr ah oo ay kamid thy xaalada amni ee guud ahaan soomaaliya.

