Taliska guud ee Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay Puntland, wararka arrinkaa la xiriirina yihiin kuwo la been-abuuray.
Qoraal ka soo baxay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay idaacada Simba ayaa u dhignaa sidan:
Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland waxuu caddaynayaa inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, isla markaana wararka lagu faafiyey warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Ciidamo ka tirsan Somaliland u goosteen maamul-goboleedka Puntland yihiin kuwo la been-abuuray.
Waxaan caddaynayaa in warka sheegaya ciidan ka goostay Ciidanka Somaliland, keliya xaqiiqda ku jirtaa tahay nin lagu magacaabo Cabdillahi Cabdi Cali (Gacan), balse, isagana sannad horteed dembiyo uu galay awgii looga saaray Ciidanka Maamulka Somaliland, oo laftiisa iyo cid-walbana ogtahay, laakiin, aanu jirin askari kaloo ciidanka Somaliland ah oo meel kale tegay.
Waxaan ummada Somaliland u xaqiijinaynaa in dhamaan xubnaha Ciidanka Somaliland ku sugan yihiin rugahoodii, iyagoo gudanaya waajibaadkii ka saaran difaaca sharafta dalkooda JSL.
Qoraalkan ka soo baxay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland ayaa meesha ka saaraya warar warbaahinta qaarkood ku sheegayeen in Ciidanka ka tirsan Somaliland u goosteen Puntland.

