Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, oo ay ka jirto xaaladda Biniaadanimo.
Madaxweynaha ayaa Baladweyne ku tagi doono, diyaarad Helicopter sida wararka ay sheegayaan oo ka qaadi doonta magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ammaanka Garoonka diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif iyo hareerihiisa ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana goor sii horeysay gaaray ciidamo Koofiyo Gadiid oo ah kuwo qaabilsan ammaanka Madaxweynaha.
Sidoo kale waxaa garoonka ku sugan Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle,waxaana Madaxweynaha Hir-shabeelle uu sheegay in Fatahaada wabiga ay ku baracakeen 150 kun oo ruux.

