War Deg Deg:-Ciidamo Ku Dagaalamaya Saldhigii Imaaraadka ee Muqdisho

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya ayaa haatan waxa uu ka socdaa Saldhigii imaaraadka Carabta Jeneraal Gordon Degmadda Hodan.

Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa malatariga Dowladda Federaalka Soomaliya ay xirada soo warareen waxaana arinkaas ka hortagay Ciidamadii horey ugu sugnaa Saldhiga.

Wali lama oga waxa uu salka ku hayo dagaalka u dhaxeeya ciidankan kawada tirsan dowlada, waxaana rasaasta ay ciidankan is dhaafsanayaan gaaraysaa xaafado ka baxsan halka uu dagaalku ka soco.

Dhanka kale wali lama sheegin wax khasaaro ah uu dhaliyay dagaalka ka socda Saldhigii Imaaraadka carabta ee magaaladda Muqdisho.

Imaaraadka carabta ayaa dhawaan isaga baxay Magaladda Muqdisho,waxana Saldhigooda la wareegay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here