Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federalka Soomalaiya C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo dhawaan isku soo taagay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay Xukuumadda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay C/casiis Lafta Gareen in uu isaga go’aansaday in uu iska casilo xilkii uu hayay islamarkaana uu rajenayo in uu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga qaban-qaabadda doorashadda Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in musharixiinta u taagan xilka Gudoomiyaha baarlamanka Soomaliya aysan kamid noqon doonin wasiiru xilal haya.
Waxaa sidoo kale la filayaa in maalmaha soo socda ay iscasilaan wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya.

