Maamulka Jubba-land oo Ka Hadlay Dagaal Shabaab Ay Kula Wareegeen Qooqaani

0

Ciidamadda Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa dib ula wareegay deegaanka Qooqaani oo hoostaga Degmada Afmadoow ee Gobalka Jubba Hooose oo shalay Al-shabaab ay dagaal kula Wareegeen.

Ciidanka Jubbaland oo ay taageerayeen Militariga Kenya ayaa dagaal Rogaal celis ahaa kula Wareegey deegaanka Qooqaani oo muddo saacado ah ay maamulayeen Al-shabaab,sida Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen Saraakiisha Jubbaland ee Gobalka Jubba Hoose.

Gudoomiyaha Degmada Afmadoow ee Gobalka Jubba Hoose  Maxamed Dhaqani Cabdi ayaa Idaacada Simba u Sheegay inay ka Guulaysteen Al-shabaabkii soo weeraray Deegaanka Qooqaani oo Saldhig Muhiim ah ay ku la haayeen Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Kenya ,waxaa uuna Xusay inay khasaaro Xoogan gaarsiiyeen Al-shabaab.

Gudoomiye Dhaqani ayaa sheegay in dhankooda aysan khasaaro ka soo gaarin dagaal dib loogu qabsaday Deegaanka Qooqaani, balse ay arkeen meydadka rag ka tirsanaa Al-shabaab oo yaala Deegaanka uu dagaalku ka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here