Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa la hadlayay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay qarixii ka dhacay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sida uu ugu xun yahay qaraxa iyo dhalinyarada ku geeriyootay, Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato Amniga.
“Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Degmada Garoowe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

