mamulka gobaleedka koofur galbeed Soomaaliya ayaa lacag gudoon siiyay sarkaal maamulka uu sheegay inuu horey mudo sanada ah kaga tirsanaa Xogaga Xarakada Al-shabaab.
Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) oo maamulka koofur galbeed sheegay inuu kamid ahaa jiray saraakiisha Al-shabaab, waxaana la gudoon siiyay lacag dhan $15,000 oo doolarka mareykanka ah.
koofur galbeed ayaa sheegtay sarkaalka inuu isku soo dhiibay wada hadal, sidaasina uu ku muteystay in la gudoon siiyo lacagtaasi , kana tirsanaa saraakiisaha Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka gadiidka, sido kale maamulka ayaa sheegay, sarkaalkaasi markuu isa soo dhiibayay inuu lasoo goostay gaari dagaal.
munaasabada lagu gudoon siinayay lacagta sarkaalka la sheegay inuu kasoo goostay Al-shabaab ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka koofur galbeed, waxaana kamid ahaa mas’uuliyiintaasi munaasabada joogtay Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed “Xasan Eelaay”.
maamulka koofur galbeed ayaa looga baran iney lacago gudoon siiyaan saraakiisha ay sheegaan iney isku soo dhiibaan, maadama sarkaalka lasoo bandhigay lana gudoon siiyay lacag intaasi la eg, ay jireen saraakiil ka caansan oo la wada yaqaanay kuwaasi oo aysan jirin lacag uu maamulka gudoon siiyo.




