R/W Soomaaliya oo Booqday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer booqsho ah ku tagay Wasaaradda Caafimaadka, Waxaan xarunta Wadaaradda ku soo dhaweeyay Wasiir Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Xasan Cali Khayre ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee wasaaradda iyo adeegyada caafimaad ee ay siiso shacabka, isagoona madaxda wasaarada ka dhagaystay warbixino ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso. Sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda.

Wasiirka 1-aad ayaa boggaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka . Waxuuna kula dardaarmay in ay balaariyaan howlahooda shaqo.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay ahmiyada ay Wasaaradani u leedahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ka mid tahay Wasaaradaha loogu baahi qab badan yahay, mar-walbana ay muhiim tahay in lagu dadaalo sidii shacabka loo gaarsiin ahaa adeegyada caafimaad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here