Kenya oo baadi Goob Ugu Jirta Rag Ka Tirsan Al-Shabaab oo Dhawaantan Weerar ku Qaaday Dalkeeda.

0
Ciidamadda Meletariga Dowladda Kenya

Booliska  Kenya ayaa sheegay in ay baadi goob ugu jiraan qaar kamid ah xarakada Al-Shabaab oo dhawaantan weerar ku qaaday xeryo ciidan oo ku yaalo deegaano u dhaw waqooyi bari magaalada mandhera.

Booliska ayaas sidoo kale ku waramaya in dagaalamayaashaan ay ku daba jiraan ay la baxsadeen hub farabadan oo ka kooban hubka nuucyadiisa kala duwan .

Weerarki ay dhawaantan Al-shabaab ku qaadeen deegaanka Fino ee hoostaga magaalada mandhera ee waqooyi bari dalka Kenya, ayay sheegteen in ay ku dileen illaa iyo 12 askari wallow dhanka Kenya ay sheegtay in weeraradaas lakaga dilay 5 askari laguna dhaawacay 12 kale.

Sabtigii ayay ahayd markii afhayeenka booliska Kenya Charles Owino  uu sheegay in ay aqoonsadeen hogaamiyii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday asagoona magaciisa ku sheegay “Jaamac Nuux Cabdulle” kaas oo uu ku sheegay asaga iyo dhawr kale in ay u baxsadeen dhanka soomaaliya kadib weerarkii jimcihiii ay ku soo qaadeen deegaanka Fino.

Gudoomiyaha Gobolka waqooyi bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dagaal yaanadii ku soo qaaday weerarkii ugu danbeeyay gudaha gobolka waqooyi bari, asagoona intaasi sii raaciyay in dhowr ruux ay soo xireen kuwaas oo lala xiriirinayay in ay luk kula haayeen weearkii ugu danbeeyay.

Inta badan dowladda Kenya ayaa caado u ah in ay ku cel celiyaan in ay wax muuqdo kaqaban doonaan weerarada xarakada Al-shabaab ay ku qaadaan gudaha dalka Kenya taas oo u muuqato illaa iyo haatan mid sii socota.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here