Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka hadlay sababihii loo xiray qaar kamid ah Wadooyinka Magaaladda Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ay ka hortagayeen falal amaan daro oo dhibaato ku keeni karay shacabka,taasina ay aheyd sababtii loo xirey wadooyinka.
“Shacabka ku nool Caasimadda waxaan uga cudur-daaranaynaa maalmihii koobnaa ee sababo la xiriira amniga u xirnaayeen qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, “Waqtigii ay xirnaayeen waddooyinku waxaa laga hortagay falal abaabulan oo kooxaha argagixisadu la doonayeen shacabkeena, sugitaanka amnigu waa masuuliyad weyn oo lagu bad-baadinayo nafta iyo maalka bulshadeenna” ayuu yiri duqa Muqdisho.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa kusoo beegmaya xili wadooyinka Magaaladda muqdisho ay xirnaayeen muddo 3-maalin ah, inkastoo markii dambe dib loo furay.

