Hooyo Soomaaliyeed Iyo Caruurteeda oo Lagu la’yahay Dalka Cyprus

0
Sawirka Warda Hassan Waaberi oo la la yahay iyada iyo Caruurteeda

Dalka Cyprus ayaa waxaa laga baadi goobayaa halka ay jaan iyo cirib dhigeen haweeney Somali ah iyo 2 caruur ah oo ay dhashay, waxaana la sheegaya in Booliska dalkaasi ay aad u baadi goobayaan.

Haweeyneeydaas oo magacaabo Warda Hassan Waaberi ayaa la sheegay in laga wayay guriga ay ka daganeyd magaalada Nicosia tan iyo Isniintii aynu soo dhaafnay, waxaa sido lala waayay warda xasan laba caruur ah oo ay dhashay, wiilkeeda oo 6 sano jir ah iyo gabadheeda oo sadex sano jir ah.

Ciidamada Amaanka iyo kuwa Booliska dalka dalka Cyprus ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney si aad kaga baadi goobayaan gudaha dalkaasi haweeyneeyda iyo labada caruurta ah ee ay dhashay.

Booliiska ayaa waxa ay sheegeen Warda oo ah 24 sano jir  in dhirirkeeda uu yahay 1.65 mitir oo indho midab kafee ah leh timo madoow oo jir ahaan iska caadi ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here