War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu faah faahiyay weerar askar katirsan ay ku qaadeen ciidamada militaryga dowladda kenya ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Dagaalamayaal katirsan Alshabab ayaa weerar ku qaaday ciidamo katirsan dowladda kenya iyo ciidamo soomaaliah oo ku sugnaa deegaanka Finow oo ka mid ah deegaanada u dhaxeeya Dhamase iyo magaalada Mandheera oo ka mid ah dhulka soomaali galbeed ee dowladda kenya ay maamusho.
Al-shabaab ayaa sheegtay iney weerarkaasi ku dishay ciidamo katirsan dowladda kenya iyo ciidamo soomaali ah, waxeyna inaa ku dareen shabaabka iney ku bur buriyeen xarunta shirkada Safaari Com.
“Waxaa dagaalkaasi ku dilnay ilaa 12 askari oo soomaali & kenyaan isugu jiro, waxaa sido kale ku gubnay xaruntii shirkada safari Com ee ay laheyd dowladda kenya”. Ayaa lagu yiri war kaso baxay Al-shabaab
Wali dowladda kenya kama hadlin dagaalkaasi Al-shabaab ay kaga sheegteen guulo fara badan, balse war kasoo baxay taliska ciidamada dowladda kenya ayaa lagu sheegay in lagu gartay ruuxii ka danbeeyay weerarka lagu soo qaaday ciidamadada ka howlgala aagaga magaalada mandheera.

