Al-shabaab oo La Wareegay Degmada Balcad Iyo Ciidamo Burundi Ah oo ku Wajahan

0

War goordhaw soo gaaray warqabadka Idaacada Simba ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo katirsan Xarakada Al-shabaab ay guda u galeen degmada balcad, kadib dagaal halkaasi ka dhacay.

Xoogaga katirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar kusooo qaaday degmada balcad, kadib dagaal xoogan oo ay wada galeen iyaga iyo ciidamada dowladda oo garab ka helayay askarta Amisom, ay shabaab u suura gashay iney guda u galaan degmada balcad ee Gobalka Shabeellaha dhaxe.

Goobjoogayaal ku sugan gudaha degmada balcad ayaa Simba u sheegay iney degmada gudaheeda soo galeen dagaalyahano katirsan Al-shabaab oo wata gaadiid dagaal, cabsi xoogana ay ka taagan tahay degmada, maadaama qeybo kamid ah degmada balcad laga maqlayo rasaas aad u xoogan.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobalka shabeellaha dhaxe oo xiriiro aynu la sameynay ayeynan noo suura galin inaan helno, maadama wali dadka deegaanka ay sheegayaan inuu jiro dagaal ka socdo qeybo kamid ah degmada balcad oo ay ku dagaalamayaan shabaabkii weerarka ahaa iyo askarta dowladda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidama ciidama Burundi ee fariisimaha degmada ku lahaa ay ka tageen gaari, kaasi oo la sheegay inuu gacant u galay xarakada Al-shabaab, wararka ayaa intaa ku daraya degmada iney ku wajahan yihiin ciidamo burundi ah.

Wali ma cada khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi, wali laga dhax maqlayo qeybo kamid ah xaafadadaha degmada balcad ee gobalka shabeellaha dhaxe.

Waxii ku Soo kordha Dagaalkaasi Kala Soco WWW.SimbaNews.com

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here