Dowladda Somaaliya oo ka Hor Timid Heshiis Ay Kala Saxiix-deen Dowladda Itoopiya iyo Somaliland ( Akhriso)

0

War Saxaafadeed

Waxaa warbaahinta lagu baahiyay in uu jiro heshiis ku saabsan maalgashiga Dekedda Berbera

kaasoo u dhaxeeya Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo

Dowladda Federaalka Itoobiya.

Sida u qeexayo heshiiska warbaahinta lala wadaagay, shirkadda DP World ayaa yeelanaysa

saami dhan 51%, Somaliland 30%, halka Dowladda Itoobiya ay yeelanayso 19%.

Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, oo wakiil uga ah arrimaha dekadaha dalka oo

dhan Xukuumnadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay caddeynaysaa;

  1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in

heshiiskaas lala saxiixdo Shirkadda DP World.

  1. In heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed
  2. In habraaca loo maray heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel

Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas darteed, annaga oo cuskanayna qodobada kor ku xusan, waxay Wasaaradda Dekedaha

iyo Gaadiidka Badda caddeynaysaa in uu heshiiskaasi yahay mid waxba kama jiraan ah,

waxayna ka digeysaa heshiisyada noocan oo kale ah ee baal marsan shuruucda dalka iyo kuwa

caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa cid walba oo dooneysa in ay

maalgashi ku sameysato khayraadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, hase yeeshee waxay

caddaynaysaa in haya’daha dustuuriga ee dalka oo kaliya, sida Xukuumada Federaalka iyo

Baarlamaanka Federaalka ay yihiin kuwa keliya ee ku shaqada leh go’aan ka gaarista iyo

ansixinta heshiiskan iyo kuwa noociisa ah.

 

Dhamaaad

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here