Wararka ka imaanaya Afgooye ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay ruux isoo ismiidaamiyay uu la beegsaday saldhig ciidama dowladda ay ku leeyihiin degmadaas.
Saldhiga gaariga qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay iney ku sugnayeen ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan ciidama ay soo tababartay dowladda isku taga Imaaaraadka Carabta.
Goobjoogayaal ayaa simba Radio u sheegay gaariga uu ka xeynayay ruuxa isoo miidaamiyay inuu ahaa gaari NOAH ah , kaa oo uu la beegsaday xarun ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye.
Ciidamada dowladda ee ku sugnaa xarunta la kulantay weerarka ismiidaaminta ayaa dadku deegaanka Simba u sheegeen qaraxa kadib, iney furayeen rasaas xoogan oo ay ku diidayaan in loo dhawaado.
Saraakiisha ciidama dowladda ee degmada Afgooye aya ka gaabsaday iney ka hadlan weerarkaasi.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda weerarka, sido kale inuu bur buray saldhigaasi oo ay ku sugnayeen ciidamo ay tababartay dowladda Imaaraadka.
Xaalada degmada Afgooye ayaa kacsan, iyadoo cabsi ay soo wajahday dadka deegaanka, waxaa istaagay isu socodkii ganacsiga iyo dadka, inkastoo maalin jimco ay tahay oo inta badan isu socodka uu yar yahay.

