Turky-ga oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Dowladda Turkey ayaa si wayn u cambaaraysay 2’dii qarax ee ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimada Muqdisho maalinnimadii shalay.

“Eebe ayaan ka baryeenaa in uu u naxariisto dhamaan dadkii ku geeriyooday weeraradaas, anagoona tacsi u dirayno dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen, waxaana eebe ka rajaynaynaa in inta dhaawaca ah uu si deg deg ah ku bogsiiyo ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkey.

Dowladda Turkey way sii wadi doontaa taageerada xooga leh ay siiso dowladda Somalia, iyo walaaltinimada xooga leh ee nagala dhaxayso dadka soomaaliyeed kuwaas oo markasta u nugul in weeraro lixaad leh kala kulmaan Al-Shabaab.

23’kii bishan February oo ku beegan maalinnimadii shalay ayay ahayd, markii qarax xoogan uu ka dhacay meel u dhaw madaxtooyada soomaaliya, qaraxaas oo ay xigtay israsaaseen xoog leh oo xigtay, ciidamada amaanka iyo xarakada Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday.

Wasiirka Amniga gudaha Mohamed Abukar Islow, ayaa cadeeday in ciidamada xooga ay dileen illaa 5 dagaalamayaal oo katirsan Al-shabaab, kadib weerar ku dhawaad saacad ka socday meel meel u dhaw madaxtooyada soomaaliya.

Qaraxa labaad ayaa lagu bartilmaamayd saday bar koontarool oo u dhaw xarunta ciidamada sirdoonka soomaaliya.

Weerardan ayaa ku soo aadaya xilli maalin uun kadib uu kadigay wasiirka aminiga Islow in ay suurtagal tahay in caasimadu ay ka dhacaan weeraro argagaxiso.

Waxaana masuuliyada weerarkan sheegatay xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here