Faah faahinadii ugu danbeeyay ee ku aadan qaraxyadii iyo weeraradii tooska ahaa ee lagu qaaday Hotelka cusub ee Doorbin ex Baar Fiat ama KM-0 iyo afaafka hore ee madatooyada Vila Soomaaliya ayaa ku waramaya iney geysteen khasaare dhimasha iyo dhaawac ah iyo bur burki hanta maaliyadeed.
War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska howlgalada Xarakada Al-shabaab ayaa looga hadlay weeraradii xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada muqdisho khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.
“Ciidamadeena gaarka ayaa howlgalo ka fuliyay laga soo bilaabo Xarunta Habar Khadiijo, Hotelka Doorbin ilaa Madaxtooyada, howlgalkaasi guul ayuu kusoo dhamaday “ ayaa lagu yiri warka Al-shabab
Warbixin laga sii daayay Idaacada ku hadasha Afka Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 35 saraakiil ah lagu dilay weeraradaasi, islamarkaana ay dib usoo laabteen iyagoo bad qaba qaar kamid ah raggii weerarka ka fuliyay, Saldhiga Habar Khadiijo, Hotelka Doorbin ilaa Xarunta Vila Soomaliya.
Al Shabaab waxay xaqiijisay in qaar kamid ah dagaalyahannadii Fuliyay weerarka ay dib uga laabteen goobta
“Qaar Kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay goobta dagaalka dib uga soo laabteen goobahii markii horey ay ka duulaan tageen ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Dhanka kale Wasaarada Amniga soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay rag gaarayay 5 ruux oo doonayay iney la wareegaan xarunta Taalada Dhagaxtuur, halkaana lagu khaarijiyay shanta ruux.
Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ayaa Warbaahinta muqdisho ku sheegtay ilaa 19 ruux oo saraakiil askar iyo shacab ay is kugu jiraan, inastoo ay jiraan dhaawacyadii xalay qaarkood iney dib u geeriyooden.
Mudooyinkii danbe muqdisho ayaa ka caaganeed weerarada iyo qaraxyada lagu weeraro xarumaha dowladda, waxeyna kusoo soo aadayaan qaraxyadaani magacaabistii taliyaha ciidamada nabad sugida.

