Xafiiska Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia, ayaa ka dhawaajiyay sida ay muhiim u tahay in wax laga qabto macluusha iyo dhibaatooyinka bini’aadannimo ee ka jiro gudaha dalka Somalia.
Peter de Clercq, oo ah madaxa hay’adda qaramada midoobay dhanka bini’aadannimada u qaabilsan Somalia, ayaa sheegay in beesha caalamku ay rabto in ay wax kaqabato cabsida macluul ee ka jirto qaybo farabadan oo Somalia kamid ah gaar ahaan dhulalka waqooyi bari Somalia, asagoona intaasi sii raaciyay in wax qabashadaas aysan noqonin mid dib loo dhigo.
Dadaalada bini’aadannimo ayaa ah waxa koowaad ee aan ahmiyada sii nayno, ayuu yiri “De Clercq” oo ah madaxa hay’adda qaramada midoobay dhanka bini’aadannimada u qaabilsan Somalia, mar uu caasimada muqdisho kaga dhoofayay magaaladda Hargeisa, halkaas uu qorsheenayo in uu kulama kula yeesho, madaxda ka tirsan maamulka Somaliland iyo ururada bulshada rayidka.
Sanad ayaa ka soo wareegatay markii aan si adag uga shaqay’nay in laga fogaado in ay dhacdo macuul aad u daran, madoonayno in waxwalba aan dib u dhigno, waxa aan doonayno ayaa ah in aan ku guulaysano ka hortagida macluul ay u dhintaan dad farabadan ayuu hadalkiisa sii raciyay Peter de Clercq.
Madaxda Qaramada midoobay ayaa sheegeen in loo baahan yahay in dowladda faderalka, iyo maamul gobolaydyadu ay qiimey yaan, biya la’aanta iyo cuni yarida ka jirto meelo farabadan oo Somalia kamid ah, ayagoo taageero ka helayo beesha caalamka iyo hay’adaha Qaramada midoobe u qaabilsan dhanka gargaarka bini’aadannimo.
Sida laga soo xiganayo Qaramada midoobay, baahida loo qabo in laga fogaado in a ay dhacdo cuni ayaa noqotay mid laba jibaarantay, 5’tii sano ee la soo dhaafay. Ayadoona laqiyasayo in 2.44 million oo dad ah ay u baahanyihiin gargaar halka 866,000 oo kamid ah dadkaasna ay gargaarku ay ugu aahan yihiin si deg deg ah.
Qaramada midoobay ayaa markale ku celisay in sanadkan cusub ay gudaha Somalia ka fulin doonaan mashruucyo farabadan oo ku aadan dhanka bini’aadannimada.

