Taliyaha Cusub ee Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Soomaaliya oo Xilka La Wareegay

0

Xuseen Cismaan Xuseen Taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Somaliya ayaa maanta la wareegay xilka Taliska Sare ee Hay’adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka.

Xarunta Ciidamada NISA ee Habar Khadiijo oo maanta lagu qabtay manaasabad sir heer sare losoo agaasimay ayna kasoo qeyb galeen saraakiil katirsan ciidamada amaanka soomaaliya, ayaa maanta waxaa xilka si rasmi ah kula wareegay taliyaha cusub ee ciidamada Nabad Suggida soomaaliya.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka amniga Somaaliya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiiro ayaa ku sugnaa Munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Ciidamada NISA ee Habar Khadiijo.

Taliyaha cusub ee Nabad Suggida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa balan qaaday inuu la imaan doono hufnaan shaqo oo ku saleysan ad adeeg iyo isbedel la taaban karo.

Nabad Suggida Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa Ku sime Taliye ka ahaa C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) balse maanta ayey si rasmi ah u yeelatay Taliska Sare ee Hay’adda Nabad Suggida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here