Maxakamadda CQS oo Xukuntay Eedeysanihii Dilay Taliyihii Ciidamadda Badda

0

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay xukun Dil ah ku Xukuntay G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo horey u dilay Sareeye Guuto Saciido aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda.

Maxkamadda ayaa 10-kii bishaan dhageysatay dacwadda G/sare C/nasir Xoosh.

Qareenka U doodayay eedeeysanaha ayaa isna dhankiisa sheegay in eeysan diidaneen dilka balse badalkeed uu sheegay in uu jeclaan lahaa in eedeysanaha loo naxariisto oo uu bixiyo Diyo dhameystiran

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa iyana sheegay in ey tahay taariikhda markiii ugu horreysay oo dil bareer ah loo geysto Gen, waxa eyna garsoorka ka dalbadeen in dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Col, Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo ah eedeysanaha loo heysto dilka Gen, Saciid Aadan Yuusuf (Mariino).

Saakay ayay Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ay ku dhawaaqday Xukunka lagu riday G/sare Cabdi Naasir Xoosh Maxammed oo horey u dilay Sareeye Guuto Saciido aadan Yuusuf (Mariino) Ex, Abaanduulihii Ciidamada Badda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here