Dowladda Kenya ayaa ciidamo farabadan oo gaaraya illaa iyo 100 askari waxa ay soo tubtay deegaanada waqooyi bari dalka kenka, gaar ahaan deegaanka wajeer oo baryihii dambe ay iskaga qaxayeen macalimiinta iyo dadka rayid ah ee halkaasi ku sugan.
Kadib weerarkii jimcihii lagu laayay macalimiin wax ka dhigayay iskuulka Qarsa eek u yaalo deeganka wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya waxaa soo badanayay eedeemaha loo soo jeedinayay dowladda Kenya eek u aadan in ka gaabisay sugida amniga. .
Madaxda koontiga Wajer “Loyford Kibaara” ayaa sheegay in ciidamadan cusub ee la keenay deegaanka ay wax ka qaban doonaan sugida amaanka asagoona intaasi raaciyay in ay ka howl gali doonaan, sida goobaha wax barasho ee u dhaw xuduuda Kenya ay lawadaagto Somalia, si loo sugo amaanka iyo badqadka dadka deegaanka ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxda koontiga wajer “Loyford Kibaara”.
Inkabadan macaliintii dhigayay 15 iskuul oo kamid ah iskuulada ku yaalo deegaanka ayaa iskaga cararay shaqadii halkaasi ay ka hayeen, kadib weerarkii iskuulka Qarsa, waxaana sidoo kale in kabadan 60 boqolkiiba wax ka dhigayay deegaanadaas ay sameeyeen shaqo joojin.
Guddiga macalimiinta Kenya ayaa dhawaantan ugu baaqay dowladda Kenya in ay wax ka qabato amni darada xoogan ee soo wajahday macalimiinta, ayadoona tani u muuqato in ay kaga jawaabayso baaqaan.

