IGAD oo Somali-land Kala Hadashay Wada-hadalka Soomaliya+Dhageyso

0

Magaalada Hargaysa ee caasimadda Somali-land waxaa gaaray wafdi ka socda IGAD kuwaasi oo ka shaqeynaya wada-hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax oo wafdigaan la kulmay ayaa sheegay inay Wafdigan ka wadda hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa Wadda hadalada Soomaliya iyo Soomaliland iyo sidoo kale Xiisadaha ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay isku Afgarteen in Soomaliland aysan ciidamadeedu dhaafin halka ay hada ku sugan yihiin ilaa inta laga wadda hadlayo sidoo kalana ay dhacayaan Heshiiska Soomaaliya iyo Soomaaliland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here