Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Axmed madoobe oo kusoo laabtay Magaaladda Kismaayo ayaa ka warbixiyay shirkii amniga qaranka muqdisho, wada-hadalka ONLF iyo Ethopia iyo Howlgaladda lagula dagaalamayo Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Daraawiishata Jubbaland ee habeen iyo maalin sugaya Amniga gacantana ku dhigay deegaano horleh oo ay ka qabsadeen Al-Shabaab.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Heshiiska magaalada Nairobi uga socday Madaxda ONLF iyo Soomalilada Itoobiya ee kilinka Shanaad kuwasoo uu sheegay in xal laga gaaray waxyaalo badan oo horay ay isugu haysteen labadaas garab.
Sidoo kale Madaxweynaha Jubba-land oo ka hadlayay shirkii amniga qaranka ee lagu soo gaba-gabeeyay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in natiijooyinkii shirka kasoo baxay ay faaido u leeyihiin hormarka dalka, islamarkaana ay rajeynayaan in la dhaqan galiyo.

