Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Badda dekadda magaaladda muqdisho ayaa maanta dilay ku-xigeenkiisa.
Sargaalka la dilay ayaa taliye u ahaa sargaalka wax dilay oo isna kuxigeen u ahaa, waxaana dilkan uu ka dhashay muran dhax maray labada sargaal ee ciidanka badda kawada tirsanaa.
Sargaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Saciid Mariino waxa uuna in mudo ah kamid ahaa Saraakiisha ciidanka badda, waxaana lagu dhax dilay xafiis uu ku dhax lahaa Dekadda Muqdisho.
Ciidamada amaanka Dekadda Muqdisho ayaa xiray sargaalka dilka geestay waxaana sargaalka wax dilay iyo kan la dilay loo qaaday xarunta Dambi baarista ciidanka booliiska ee CID .

