Dibadbax ka Dhan Ah Shirka Uu Madaxweyne Farmaajo Ka Furay Dhuusamareeb Oo Ka Dhacay Cadaado

0

Waxaa maanta magaalada cadaado ka dhacay dibadbaxyo ay dhigayeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo bulshadda qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaladdaasi Cadaado.

Dibad baxa ayaa looga soo horjeeday heshiiska ahlu sunna iyo Maamulka galmudug ee dhamaystirka munaasabadaasi ay ka socoto magaladda dhuusa mareeb ee xarunta gobalka galgaduud.

Banaanbaxayaasha ayaa heshiiskaas ku sheegaya mid aan caddaalad ahayn,waxaan Odayaasha Cadaado maalmihii la soo dhaafay Madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay in uu saxiixay heshiis an loo dhameyn.

Heshiiskaas ayayna ku tilmaameen dibadbaxayaasha  inuu yahay mid lagu bur burinyo Maamulka gal mudug lana baal marey dastuurkii u dagsanaa Maamulka oo horey la isugu fahmi jiray.

Waxaa ay sidoo kale odayaasha dhaqanka magaladda Cadaado ay tilmaameen in shirkaasi aan lagu matali Karin gal mudug, sheegeena ineysa marnaba aqbali doonin hadii aan xal la raadin.

Waxaa maanta Magaalada dhuusamareeb ka soconaya shirka dhamestirka heshiiska ahlusuna iyo galmudug, iyadoona Ammaanka magaalada Dhuusamareeb si aad ah loo adkeeyay, ciidamo ka socda AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka guud ee magaaladaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here