Qarax Miino oo dhulka lagu aasay ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay gudaha Magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaliya.
Qaraxaan ayaa waxaa lala beegsaday Gaari Ciidan oo marayay meel ku dhow Haanta Dheer Degmadda Deyniile ee magaaladda Muqdisho.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in qaraxa uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay islamarkaana ay goobta soo gaareen Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya.
Ilaa haatan si dhab ah looma shaacin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

