Inta la xaqiijiyay 4-askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax Miino oo dhulka lagu aasay uu ka dhacay Haanta-dheer Degmadda Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa Miino ayaa lagu aasay wadada dhinaceeda,waxaana la qarxiyay xili gaari dagaal oo ay la socdeen Ciidamo katirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliya uu marayay Haanta-dheer Degmadda Deyniile.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in Ciidamada ay dhaawacyo soo gaareen,islamarkaana haweeney goob ganacsi ku laheyd Haanta dheer ay sidoo kale ku dhaawacantay qaraxaasi Miino ee maanta lala eegtay Ciidamo katirsan Xoogga dalka Soomaliyeed.
Sarakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ayaa Radio Simba u sheegay inuu jiro qaraxaasi, Ciidamadii ku dhaawacmay qaraxa loo qaaday goobo caafimaad oo ku yaaala Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Warbaahinada Taageera Xarakada Al-shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay ka danbeeyeen ciidamada gaarka ee Shabaab, halkaasi dhimaso iyo dhaawac ay ku noqden askar saarneyd gaari Cabdi Bile ah.
“Waxaan qarax miino kula eeganay inta u dhaxaysa Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo isgoyska Ex Control Afgooye, kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, halkaasi waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar la socotay gaari Cabdi Bile ah oo uu qaraxa haleelay”
Al Shabaab ayaa wadooyinka Muqdisho qaarkood waxa ay ku aasaan qaraxyada miinada noocaan oo kale ah oo ay la eegtaan gaadiidka dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom.

