Taliye Gorod:-“Sharciga Ayaa Lala Tiigsan Doonaa Ciidamadda Ku Lug Yeesha Colaadda Gaalkacyo”,+Sawirro

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Gudoomiyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiil ka tirsan Military-ga Soomaaliya ayaa maalmahaan Gaalkacyo u joogo sidii ay u dhameystiri lahaayeen Ciidamada Isku dhafka ah oo xoogga dalka Soomaaliyeed ka socdo si loo soo afjaro Isku dhacyada Ciidamo beelaadyada ah dhexdooda ee badi ka dhaca magaaladaasi.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka jiray Isku dhacyo hubeysan oo badidood dhex maro Maamulada puntland & Galmudug, waxaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ee dadaal uga jirtaa sidii loo soo afjari lahaa dagaaladaasi dhiiga badani ku daatay iyadoo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay sabab u tahay tegisteeda halkaas in wixii xilligan ka dambeeyo aan loogu dulqaadan doonin dagaal dambe, ciidankii arrintaas ku soo cadaatane ay marin doonaan waxa uu sharciga ka qabo.

Gaalkacayo waxaa ka jiro xuduudyo beeleedyo dhawaan ay si wada Jir ah u bur-buriyeen madaxda Maamulada Puntlnad & Galmudug waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa dadaalkaas taliska xoogga dalka Soomaaliyeed balse si Kama dambeys ah ayaa la filayaa in halkaas maalmaha soo socdo la dajiyo ciidama Isku dhaf ah oo ka socdo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo taasi dheertahay in Galkacyo laga furi doono farac kale oo hoostaga qeybta 21-aad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here