Maamulka Galmudug ayaa sheegay in shir u dhaxeeya Madaxda Galmudug in uu ka dhici doono dhamaadka bishaan Magaaladda Dhuuso Mareeb ee Caasimadda Maamulka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in shirkaan qaban-qaabadiisa meel wanaagsan ay marayso islarmarkaana ay yeelan doonaan garabkii Ahlusuna ee ku biiiray Galmudug iyo Madaxda Galmudug.
“Insha alaah shirka ugu horeeya waxa uu dhici doonaa 21-ka ama 24-bishaan wuxuuna ka dhici doonaa Magaaladda Dhuuso mareeb ee caasimadda Dowladd Goboleedka Galmudug, xafladda weyn ee shirka lagu soo dhaweynayo ayaa dhici doonta,kadib waxaa la bilaabayaa qorshihii sidii loogu soo guuri lahaa Magaaladda Caasimadda, Galmudug waxa ay u dhisan tahay dib-u heshiisiin, horey waxaan wada-hadal ula galnay garab kamid ah Ahlusuna, garabka aan hadda la heshiinay waa garabkii hubeysnaa”, ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.
Magaaladda Dhuuso Mareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow aad u weyn, waxaa sidoo kale heer gaba-gabo ah maraya dhismaha Madaxtooyadda Galmudug ee Magaaladaas.

