Sida ay sheegayaan warar soo baxaya Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ayaa dilay ku-xigeenkii Hogaamiyaha Al-shabaab ee Gobolka shabellaha hoose.
Howlgalka lagu dilay ku xigeenka Al-shabaab ee gobolka shabellaha hoose waxa uu ka dhacay degaan hoos yimaada degmada Aw-dheegle ee gobolkaaas.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay sarkaalka lagu dilay Aw-dheegle uu ahaa ku xigeenka Al-shabaab shabellaha hoose Maxamad Abu-Cabdalla.
Howlgalka lagu dilay sarkaalkaan waxa fuliyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala shabellaha hoose.
Sidoo kale ciidamada xoogga dalka ayaa dilay 10 ka tirsan Al-shabaab uu watay ku xigeenka Al-shabaab shabellaha hoose.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka waxa ay sheegeen xiliga uu dhacayay Howlgalka lagu dilay sarkaalkaan uu waday qorshe dagaal ka dhan ah ciidamada dowlada.
Ugu dambeyn Saraakiisha ayaa tilmaamay in magaca sarkaalka ay soo bandhigi doonaan saacadaha soo aadan.-

