Warar naga soo gaaray xaafada Khaliija ee magaalada Cape Town waxaa ay sheegayaan in maanta halkaasi lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagau magacaabi jiray Abuubakar Macalin Xasan oo ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaano deegaankaasi oo soomaali badan ka ganacsato.
Koox burcad ah oo dooneysay in ay dhac u geystaan muwaaadinkaa ayaa la sheegay in ay ku sugeysay banaanka hore ee goobtiiisa ganacsiga oo xilligaa uu keenay adeeg uu kasoo iibiyay magaalada,waxaana wararka sheegayaan in markii uu soo istaagayba iridka hore ee dukaankiisa rasaasta lagu dhuftay, taasna ay sababtay inuu u geeriyoodo muwaadinka ganacsadaha ahaa.
Burcada dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana ay dhac u geysteen goobta ayaga oo ka qaatay lacago iyo alaabo kale oo fudfud sida kaararka telfoonada lagu shufto, iyo waxyaabo kale.
Ciidamada Police-ka ayaa halkaasi soo gaaray waxaana la sheegay in ay bilaaben baaritaano ku aadan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen cidii ka dambeysay dilka Abuubakar Macalin Xasan,
Dilka marxuunkaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli wali uu yaalo isbitaalka magaalada Cape Town marxuum C/laahi Macalin Cali oo maalin kahor lagu dilay magaalada Cape Town.
Sanadka cusub ee 2018ka oo maanta taariikhda ay tahay 4bisha January, tirada Soomaalida lagu dilay dalka South Africa waxaa ay sii marayaan ilaa laba Ganacsade oo Soomaali ah, kuwaa oo dowlada dalkaasi ay joogaan ama safaarada somaaliya ee halkaasi ay arintaasi waxba ka qaban.

