Ciidamadda Dowladda iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Degmadda Afgooye

0

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo Al-shaabab ayaa xalay ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Dagaalkaan ayaa  yimid kadib markii Al-shabaab ay isku dhex qariyeen  gaari shacab ay saarnaayeen kadibna ay  rasaas huwiyeen ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo laga galo degmada.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo haweeney aheyd ayaa ku dhimatay labo kalana way ku dhawacmeen  kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay isdhaafsanayeen labada dhinac.

Dhanka kale Saraakiisha degmada Afgooye ayaa sheegay in  ciidamada dowladda ay iska caabiyay Al Shabaab, iyadoo aan wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaadey saldhigooda.

Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo 30KM u jirta Magaaladda Muqdisho waxaa dhowr mar weerar qorshaysan ku qaaday Ciidamadda Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here