Muwaadin Soomaliyeed oo Xalay Lagu Dilay Magaaladda Cape Town

0

Kooxo Burcad Koonfur afrikaan ah ayaa xalay Ku dilay Magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika Muwaadin Soomaliyeed.

Allaha u Naxariistee Mahad Salaad, ayaa lagu dilay Dukaankiisa oo ku yaalla Xaafadda Khaliija ee Magaalada Cape Town.

Kooxaha Burcada ah ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Dukaanka Muwaadinka islamarkaana ay halkaas ku dileen.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Booliska koonfur afrika, balse kuma aysan guuleysan in ay gacanta ku dhigaan raggii dilka fuliyay.

Xiliyadaan oo kale Magaalooyinka dalka koonfur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka loo geysto Soomaalida oo ay fuliyaan burcadda koonfur afrikaanka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here