Akhriso:-Al-shabaab oo Shan Dhalinyaro ahaa Ku Fuliyay Xukun Dil ah

0

Al-shabaab ayaa xukun dil ah ku riday ilaa shan dhalinyaro ahaa oo lagu eedeeyay in ay la shaqeynayay Dowladaha Soomaliya iyo Mareykanka.

Deegaanka Iidaale oo qiyaastii magaalada Baydhabo ujira 60 KM  ayaa galinkii dambe ee shalay lagu dilay illaa iyo 5 Ruux oo la sheegay in ay la shaqeynayay dowladda Mareykanka,Dowladda Federaalka,Maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Xukunka ayaa sidaan u Dhacay

Mahad Cali Xasan wuxuu la shaqeynayay ciidamada Bangarafka ee Maraykanka uu tababaray, halka Jibriil Saalax Xaaji Maxamed uu la shaqeynayay sirdoonka dowladda federaalka, Mahad Cabdi Axmed oo 21 jir ahna wuxuu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland, Maxamed Cali Aadan oo la shaqeynayay dowladda, halka C/casiis Ibraahim Maxamed uu la shaqeynayay maamulka Koonfur galbeed ee xaruntiisu tahay magaalada Baydhabo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here