Oomaar:-“Hadii Dalku aan Isaga Maamulan Hawadiisa Micnaheedu Waa Xuriyad Ma Jirto”,

0

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar oo kusugan magaalada Edmanton ee Gobolka Alberto ee dalka Canada ayaa sheegay in muddo labo todobaad gudohood kadib ay si rasmi ah u maamuli doonaan Hawadda Soomaaliya.

Wasiir Oomaar oo la hadlay  idaacadda VOA ayaa sheegay in qorshaha uu meel wanaagsan marayo islamarkaana dhawaan la dhameystiri doono.

“Illaahaa mahadda leh waxaan ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyeed sidii aan balanqaadnay in 28ka bishan aan si rasmi ah ula wareegno Hawadad Soomaaliya,waxaanu qaban doonaan xaflad ballaaran oo lagu dahfurayo xafiiska,dad ajanabi ah iyo kuwa kale ee Hay’adda ECAO way ku lugyeelan doonaan ilaa aan tababarno shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda Soomaaliya,malintii aan u diyaar garowno in aan awood u yeelano sirasmi ah ayay shaqaalaheena shaqada kelidooda maamulidoonaan,inta ka horeysay tababara ayaan siinaynaa,balse muhiimaddu waa in dowladda Soomaaliya ay lasocoto maamulka Hawadeeda” Ayuu yiri Wasiir Omar.

Wasiir Maxamed C/llaahi Omar ayaa sheegay in ahmiyadda ugu weyn ay tahay in Soomaaliya hawadeeda ay maamuladto muddo 27 sano kadib,wuxuuna intaasi ku daray in hadii Dalku aan isaga maamulan hawadiisa ay micneheedu tahay in weli xorriyad buuxda jirin,taasina uu ku tilmaamay guul ay u soo hooyatay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda mar uu lahadlayay

Dhanka kale wuxuu sheegay in faa’ido ay u tahay shacabka iyo dowladda in dhaqaalihi dibadda uga bixi jiray maamulka Hawadda Soomaaliya uu dalka dib ugu soo laabanayo,taasi oo uu ku tilmaamay in ay muhiim u tahay kobaca dhaqaale ee Dalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here